TOP DHAGEYSO:- Wasiirka Gaashaandhiga oo Fariin Farxadeed u diray Ciidamada Xooga Soomaaliyeed

0

Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa maanta hambalyo ku aadan 57 guurada ka soo wareegtay markii la aas aasay ciidamada xoogga Soomaaliyeed u dirtay ciidamada Qalabka sida, xilli munaasabado ballaaran oo loogu dabaaldegayo maalinta ciidamada ay ka dhaceyso magaalada Muqdisho.

Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaaliye Mudane Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed ayaa hambalyo ku aadan Munaasabadaasi u diray dhamaan ciidamada Qalabka sida, Saraakiisha, Saraakiil xigeenka, Alifleyda Dableeyda iyo xaasaskooda, waxa uuna u rajeeyay in sanadka soo socda ay ku gaaraan horumar iyo baraare.

Wasiirka Gaashaandhiga ayaa sidoo kale sheegay munaasabadani in ay ku soo aaday xilli Dowladdu ay dib u habeyn ku sameeynayso ciidamada xoogga, ayna sii wadeeyso tayeeynta ciidamada ilaa la gaarsiiyo heerkii ugu sareeysay.

Munaasabad ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa lagu waddaa in lagu qabto Muqdisho.

Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa Maanta u dabaal degaya 57- Sano Guuradii kasoo wareegtay Aas Aaskooda.

HALKAAN KA DHAGEYSO