Maamulka Jaamacada City oo Sheegay In Qaraxii Shalay ay kaga dhaawacmeen 13 arday ah, Darawalkii Jaamacada uu dhintay

0

Jaamacada city aya sidan ugu qoray fariin ay facebookooda so dhigeen

Anago  ku hadlayna magaca maamulka, shaqaalaha iyo ardayda Jaamcadda City, waxaan tacsi u diraynaa dhammaan intii ay wax ku gaareen qaraxii maanta ka dhacay magaaladda Muqdisho.

Jaamacadda City waxay si gaar ah wax uga soo gaareen ka dib markii mid ka mid ah basaska Jaamacadda oo meesha qaraxu ka dhacay ag marayey uu dhib ka soo gaarey. Waxaa halkaa ku geeriyoodey, Alla ha u naxariistee walaalkeen Cabdirashid Jacaylow oo ka mid ahaa shaqaalaha Jaamacadda oo buska wadey. Waxaa kaloo, Ilaahay mahadiis ah, in dhaawacyo fudud gaareen saddex iyo toban arday oo ka mid ah kuwii saarnaa baska jaamacadda.

Waxaan tacsi u diraynaa qoyska walaalkeen Cabdirashid Jacaylow iyo qoyska Jaamacadda City. Waxaan leenahay, waxaa na lah Ilaahay SWT, waxaanan ku noqonayn xagga Ilaahay. Waxaan kaloo caafimaad degdeg ah u rajaynaynaa intii dhaawacantay. Maamulka Jaamacadda ayaa idinla socodsiin doona wixii soo kordha Inshallah.