DHAGEYSO:- Tirada Caruurta ah ee Nafaqa darada ay ku heyso Gobolada dalka oo sii kordhaya

0

Sida warbixintooda ay ku soo dareen Guddiga Qaran ee Gurmadka Abaraaha dalka waxaa hada xaalad nafaqo daro ah ku sugan in ka badan 20,000 oo caruur, waxaana sidoo kale Isbitaalo jiifa 450 ka mid ah caruurtaasi.

Guddoomiyaha Guddiga Farsamada Abaaraha heer Qaran Prof. yaxye Cali Ibraahim ayaa sheegay Abaaraha ka sii daraya ee dalka ku dhuftay ay sababeen nafaqo daro in ay soo wajahdo caruur Soomaaliyeed oo aad u fara badan.

Sidoo kale waxa uu shegay Gurmadka la haayo iyo baaxada Abaarta ay aad u kala fogtahay loona baahan yahay in la sii xoojiyo Gurmadka si dadkaasi loo samata bixiyo.

Prof. yaxye Cali Ibraahim Guddoomiyaha Guddiga Farsamada Abaaraha heer Qaran ayaa sheegay xoolaha ay leeyihiin dadka Soomaaliyeed 70% in ay leysay Abaarta.

Waxaa isa sii taraya saameynta laga soo warinayo meelaha ay Abaarta ku dhufatay, waxaana aad u kooban Gurmadka Abaaraha ee dalka ka socda.

Hoos ka Dhageyso Codka:-