DHAGEYSO:- Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo ka hadlay Dagaal beeleedyada ka dhacaya Gobolka Sh/Dhexe

0

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa beelaha Soomaaliyeed ugu baaqay in ay joojiyaan dagaal beeleedyada ka socda qaar ka tirsan Gobolada dalka.

Mudane Jawaari ayaa sidoo kale sheegay in iminka aan loo baahneyn in ay colaad ay ka dhaxeyso qaar ka tirsan Beelaha Soomaaliyeed, wuxuuna tilmaamay Dagaalka in laga wanaagsan yahay.

Waxa uu sheegay in Baarlamaanka Soomaaliya looga baahan yahay in ay doorkooda muujiyaan islamarkaana ay ka qeyb qaataan dib u heshiisiinta Beelaha Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa sheegay in dadka Soomaliyeed meel walbo oo ay joogaan looga baahan yahay in ay iswalaalsadaan oo ay muujiyaan soomaalinimo balse aan loo baahneyn dagaal.

Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa muhiim in ay tahay in la badbaadiyo dalka, quluubtana la isku furo.

Hoos ka Dhageyso Codka:-