DHAGEYSO:- Dowladda Kenya oo xirtay 7 Soomaali ah iyo Muran ka dhashay

0

Dowladda Kenya ayaa waxa ay xirtay 7 nin oo Soomaali ah, kuwaas oo looga shakiyay Tahriibinta dadka qaar ee ku nool xerada Qaxootiga ugu weyn ee Aduunka Dhadhaab.

Dhalinyaradan la xiray ayaa dhammaantood waxaa laga qabtay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaasi oo ay ku diiwaan gelinayeen Dhalinyarada Tahriib doonka ah, sida ay sheegeen saraakiisha laamaha ammaanka.

Booliska fuliyay Howlgalkan lagu soo qab qabtay Dhalinyaradan ayaa waxa ay sheegeen in ay gacanta ku hayaan Ducomentiyo been abuur ah oo raggan ay sameysteen.

Isku duwaha Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya Maxamed Saalax Saciid ayaa sheegay in raggan lagu hayo baaritaan gaar ah, oo lagu ogaanayo meelaha ay isugu geeyaan dadka ay Tahriibiyaan iyo sababta ka dambeysay in ay ku kacaan falkan.

Hay’adaha ammaanka dalka Kenya ayaa Todobaadkan xiray koox kale oo waday Howlgal ay ku fududeynayaan Tahriibinta dadka doonaya in ay galaan dalalka Yurub.

Dowladda Kenya ayaa horey u sheegtay in ay xireyso xerada Dhadhaab oo ah xerada ugu weyn ee Qaxootiga Aduunka, halkaasi oo ay ku nool yihiin in ka badan 200,000 oo Qaxooti Soomaali ah.

Hoos ka Dhageyso Codka:-