XASAASI+CADEYN:- Dadkii u Ololeynayay Madaxweyne Farmaajo oo Xafiiska laga xertay iyo Farmaajo dartiis oo Xabsi iyo Alaab lagu dhaqan rabo

0

Xubno ka mid ahaa Guddigii Ololaha doorashada ee Madaxweyne Farmaajo ayaa markii u horeysay farriin cabasho ah soo dhigay baraha bulshada, iyagoo ka cabanaya in lagu dayacay guryihii iyo hoteladii la dejiyay xilligii uu ololaha socday.

Mid ka mid ah Guddigii Ololaha doorashada ee Madaxweyne Farmaajo u qaabilsanaa qeybta Warbaahinta ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay shaqsiyaad magac, sharaf iyo karaamo leh oo Muqdisho billooyin u joogay ololaha doorashada in markii guusha timid albaabada laga xirtay.

Maxamed Abdullaahi Kooshin ayaa sheegay in xubnaha qaarkood loo heysto lacagihii guryihii iyo hotelada la dejiyay, isla markaana loo heeysto madax furasho.

Sidoo kale ma sheegin tirada ay yihiin dadka lagu dayacay Hotelada iyo guryaha ee loo heysto ijaarka, hase ahaatee waxay noqoneysaa arrin lama filaan ah oo ka soo baxday mid ka mid ah dadkii sida aadka ah baraha bulshada uga ololeyn jiray madaxweyne Farmaajo.

Dad badan oo ka mid ahaa Guddigii Ololaha doorashada ayaa xilligan banaanka ku soo dhacay, markii ay waayeen xilal ay filayeen in loo magacaabo, sidoo kale waxaa jira kuwo kale carro darteed dalka uga tagay, markii albaabada laga xirtay.

Inta badan waxaa caado u ah Madaxda marka ay ku guuleystaan hamigooda, inay dariiqa uga tagaan qaar ka mid ah dadkii la soo shaqeeyay, marka qofka loo baahan yahay uu yahay xilliga danta laga leeyahay, waana calaamad laga bartay Madaxdii hore.

Madaxweyne Farmaajo ayaa culeyska ugu badan ee xilligan soo wajahaya ayaa ah, balamo badan oo uu sameeyay xilligii uu ololaha ku jiray, waxaana tan ay ka dhalan kartaa, mucaarado uga yimaadaa, dadkii uu balanta ka qaaday xilligii ololaha, balse aanu u fulin, markii uu xilka ku guuleystay.

Baraha bulshada ayaa ahaa halka sida weyn looga ololeeyay Madaxweyne Farmaajo, xilligii uu Ololaha doorashada ku jiray, waxaana dadka qaar is weydiin jireen in baraha bulshada tahay meesha laga dooranayo iyo in kale, maadaama taageerayaashiisa ay ahaayeen kuwo had iyo jeer farriimo soo dhigayeen.