TOP DHAGEYSO+SAWIRRO:- Wasiirka cusub ee Amniga oo Talaabadii ugu horeysay qaaday

0

Wasiirka cusub ee Amniga Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) ayaa xalay kormaar ku tagay saldhigyada Ciidanka Dowladda ay ku leeyihiin gudaha iyo Duleedka Muqdisho.

Wasiirka oo xirnaa dharka Ciidanka Xoogga dalka ayaa u dhaba galayay sida ay u shaqeeyaan Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku sugan gudaha iyo Duleedka Muqdisho.

Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) Wasiirka cusub ee Amaaniga Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in uu sii socon doono kormeerkan, wuxuuna Ciidanka kula dar daarmay in ay si hufan u gutaan shaqadooda.

Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Amniga Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) ayaa Munaasabadii xilka uu kula wareegayey oo dhacday maalin ka hor ka sheegey in uu la imaanayo Qorshe cusub oo wax looga qabanayo Amniga guud ee dalka iyo kan Magaalada Muqdisho.

HALKAAN KA DHAGEYSO