TOP DHAGEYSO:- Xildhibaanada Baarlamaanka oo maanta loo qeybinaayo Mooshin ka dhan Imaaraadka

0

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in ay Maanta loo qeybiyo Mooshin ka dhan ah Saldhigga dowladda Imaaraadka Carabta ay ka dhisanayso Magaalada Berbera.

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka ayaa Guddoonka u gudbiyay Mooshinkaan, Waxaana lagu wadaa in Maanta loo qeybiyo Mooshinkaasi Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya isla markaana ay ka doodaan.

C/llaahi Sheekh ismaaciil oo ka mid ah Xildhibaanada diyaariyay Mooshinkaan ayaa Idaacada Risaala u sheegay in Saldhigaasi Millitari in laga dhiso Berbera uu yahay qalad.

Waxa uu sheegay in Baarlamaanka Somaliland ay ku qaldan yihiin in ay asixiyaan sharciga ay dowladda Imaaraadka Carabta Saldhig kaga furaneyso Magaalada Berbera.

Xildhibaan C/llaahi Sheekh ismaaciil ayaa sidoo kale sheegay in Xildhibaanada Qaranka ay yihiin kuwa awood u leh iney ka hortagaan wax walbo oo dadka Soomaaliyeed wax u dhimaya.

Sidoo kale Kulanka Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa Maanta lagu wadaa in lagu dhiso Guddiyada Joogtada ee Baarlamaanka kuwaasi oo ah Guddiyo si toos ah ula shaqeynaya Wasaaradaha iyo Hay’addaha kala duwan ee Dowladda.

HALKAAN KA DHAGEYSO