TOP DHAGEYSO:- Puntland oo soo saartay Amaro culus iyo Wasiir Qarjab oo Goodiyay

0

Wasiirka Amniga maamulka Puntland Cabdi Cali Xirsi Qarjab oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ay qaadayaan tilaabooyin deg deg ah oo lagu xaqiijinaayo Amniga Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland.

Wasiirka ayaa sheegay in maalmihii lasoo dhaafay Magaalada Garoowe ay kusoo kordheen Koox burcad ah oo dadka baaranaya.

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in Guddiga Amniga Puntland ay isku raaceen in si deg deg loo toogto Cidii la tuhmo ee diida in ay isku soo dhibto Ciidanka Puntland.

Howlgallo xooggan ayaa dhawaan ka bilaaban doona degaanada Puntland gaar ahaan Magaalada Garoowe.

HALKAAN KA DHAGEYSO