TOP DHAGEYSO:- Madaxweyne Gaas oo sheegay cida lagu wareejinaayo Dekedda Magaalada Boosaaso

0

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in ay doonayaan in ay ku wareejiyaan Dekedda Magaalada Boosaaso Shirkad laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay qorshaha dowladda Imaaraadka Carabta loogu wareejinaayo dekedda Magaalada Boosaaso in uu maraayo meel gabagabo ah.

Mudane Gaas ayaa bilooyinkii lasoo dhaafay Safarro xariir ah waxaa uu ku tagaayay Magaalada Abu Dubai ee dalka imaaraadka Carabta.

Puntland ayaa doonaysa in ay marto Wadadii Somaliland ee Dekedda Berbera Shirkadda DP World ay ugu wareejisay.

Dekeddaha Soomaaliya oo ka mid ah meelaha ugu muhiimsan  ilaha Dhaqaalaha Soomaaliya ayaa intooda badan waxaa gacanta ku haya Shirkaddo Shisheeye.

HALKAAN KA DHAGEYSO