TOP DHAGEYSO:- Ciidamada Galmudug oo Heegan la geliyay iyo Dagaal laga cabsi qabo

0

Ciidamada Amniga maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug ayaa isku diyaarinaya dagaal ay ku doonayaan in ay kusoo furtaan dooni Ganacsi oo gacanta ugu jirta Kooxaha Burcadbadeeda Soomaalida.

Taliyaha howlgallada Ciidamada Galmudug Cabdi Diiriye Xabeeb ayaa sheegay in Galmudug ay xoog kusoo furan doonto doontaasi hadii kooxaha burcadbadeed ay diidaan in ay soo dhiibaan.

Ciidamada Galmudug ee ku sugan Hobyo ayaa la sheegay in ay isku aruursanayaan duleedka Magaalada ,islamarkaana kooxaha Burcad badeeda ay ku sugan yihiin Meel u dhow degmada Hobyo ,islamarkaana ay ku haystaan doonida.

Maamulka degmada Hobyo ayaa isku diyaarinaya in uu soo Furto doontaasi hadii ay wadahadal diidaan Kooxaha Burcada ah.

Cabdi Nuur oo ka mid ah dadka kunool degmada Hobyo ayaa sheegay in Kooxaha Doonta Ganacsiga soo Afduubtay ay hubeysan yihiin.

HALKAAN KA DHAGEYSO