DAAWO WAREYSI XASAASI AH:- Madaxweyne Shariif Xasan oo Su’aalo layaab leh ka jawaabay, Jubbaland, Siyaasada Soomaaliya iyo arimo kale

0

Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Aadan ayaa wareysi uu bixiyay waxaa uu kaga hadlay arimo xasaasi ah oo ka taagan maamulkiisa iyo dowlada dhexe ee Soomaaliya.

Shariif Xasan ayaa ka hadlay wax qabadka maamulkiisa mudadii uu jiray iyo sababta ka dambeysa inuu sameeyo wasiiro lamid ah wasiirada DF Soomaaliya marka laga tago wasiirada dibada iyo gaashaandhiga.

Madaxweynaha Koofur Galbeed ayaa dhanka kale sababeeyay in calankooda uu ka kooban yahay tilmaan sheegeysa lix gobol iyo hadii wali ay aamisan yihiin in gobollada Jubbooyinka ay katirsan yihiin maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya.

Sidoo kale Shariif Xasan ayaa ka hadlay dagaalkii siyaasadeed ee uu la galay Gudoomiyaha barlamaanka Soomaaliya Prof Jawaari kaas oo intii ay ku balameen ineysan isku soo sharaxin xilka gudoomiyaha barlamaanka hadana isku soo sharaxay kuna guuleystay taasna ay soo gaba gabeysay rajadii uu ka lahaa inuu madaxweyne noqdo.

Arimaha kale ee la weydiiyay waxaa kamid ah heera uu aamisan yahay inuu ka taagan yahay siyaasada Soomaaliya, inuu caan ku yahay mooshinadii xilalka looga qaaday Ra’isul wasaarayaal badan iyo xariirka kala dhaxeeya dowladda Federaalka Soomaaliya.

HALKAAN KA DAAWO