WAR CUSUB+DAAWO:- Diyaarad ka ambabaxday Muqdisho oo sii martay Wajeer, Maxaa ku dhacay Heshiiskii Farmaajo iyo Uhuru?

0

Diyaarad maanta ka baxday Magaalada Muqdisho kuna wajahneyd dalka Kenya ayaa waxa ay sii martay Magaalada Wajeer,si halkaasi loogu baaro.

Diyaarad maanta ka ambabaxday Magaalada Muqdisho ayaa la sheegay in ay sii martay Magaalada Wajeer halkaasi oo sida caadada aheyd lagu baaray Rakaabka Diyaarada la socday iyo guud ahaan Diyaarada intuba.

Lama oga sababta ka dambeysay in Diyaaradan ay marto Wajeer maalintii uu dhaqan galayay heshiiska ku saabsan in Diyaaradaha Muqdisho ka baxa ay si toos ah u tagaan Dalka Kenya, Diyaarad ka ambabaxday Magaalada Mudisho ayaa si toos ah ugu degtay Garoonka Diyaaradaha ee Kenya.

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa horey u kala saxiixday heshiis ku saabsan in Duulimaadyada Diyaaradaha dalka ee ka ambabaxa Muqdisho kuna sii jeeda Kenya ay si toos ah uga degaanka Garoonka Diyaaradaha Jomo Kenyatta ee dalka Kenya.

 

 

HOOS KA DAAWO