TOP DHAGEYSO:- Waqtigii Amniga dalka lagala wareegi lahaa AMISOM oo la gaaray, Ogow Sababta

0

Taliska Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya ayaa sheegay Ciidamada Millitariga mudo kooban kadib Ciidamada AMISOM in ay kala wareegayaan amniga dalka.

Maxamed Aadan Axmed (Buud) Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga dalka loo qalabeynayo sidii mudo kooban kadib guud ahaan ammaanka Soomaaliya ay ugala wareegi lahaayeen Ciidanka AMISOM.

Waxa uu sheegay Taliye Buud Ciidanka Xoogga dalka in dhowaan lagu sameyn doono isku dhaf, maadaama dhowaan la filayo in ay la wareegaan ammaanka dalka.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya Maxamed Aadan Axmed (Buud) ayaa Wasiirka Gaashaandhigga cusub ee Soomaaliya waxa uu ugu baaqay in uu ka shaqeeyo tayeynta iyo qalabeynta Ciidanka.

Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM oo ku sugan caasimadda Soomaaliya iyo Gobolada dalka qaar ayaa caawinaya Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya.

HALKAAN KA DHAGEYSO