TOP DHAGEYSO:- Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya oo sheegay Xiliga ay bilaabaneyso Arin Shacabka wada sugayaan

0

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in shaqaalaha Dowladda Federaalka lala xisaabtami karo marka xuquuqdooda si joogto ah ay u helaan.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa ka hadlay duruufaha iyo baahiyaha gaarka ah ee shaqaalaha Dowladda Federaalka iyo Ciidamada Soomaaliya.

Waxa uu sheegay si loola xisaabtamo shaqaalaha Dowladda Federaalka iyo Ciidamada Soomaaliya in loo baahan yahay in la kordhiyo Mushaaraadka ay qaataan, sidoo kalena Mushaaraadkooda ay u helaan si joogto ah.

Dhanka kale Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya ayaa ku taliyay in la kordhiyo Mushaaraadka Ciidanka, si ay u xaqiijiyaan amniga caasimada.

Ciidamada Soomaaliya oo Dagaal kula jira Shabaab ayaanan hada si joogto ah u helin Mushaaraadka ay xaqa u leeyihiin, waxaana mararka ay sameeyaan Gadood ku aadan Mushaar la’aan.

HALKAAN KA DHAGEYSO