DHAGEYSO:- Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdalle “ Abaarta dadka badan ay ku dhimanaya waxaa ka sii daran Cudurada dilaacaya, Dowladda Waa in ay qorshe la timaadaa Saan Macquul ma ahan”..

0

Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdalle oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo Maanta Warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa Madaxda Dowladda iyo Guddiga Abaaraha ugu baaqay in ay si deg deg ah gurmad ku gaarsiiyaan degaanada ay abaarta daran ay ka jirto.

Waxa uu sheegay in ay muhiim tahay in la isku garab wado gurmadka iyo howlaha Daryeelka Caafimaadka.

Waxa uu sheegay in ay jiraan dad badan oo Soomaaliyeed iney u geriyoodaan cuduro ku dhaca isla markaana ay jiraan sida uu sheegay kuwa kale oo hada isbitaalada jiifa.

Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdalle ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay isku gurmadaan kana shaqeeyaan sidii looga maarmi lahaa gacmo shisheeye iyo kaalmo ka timaada dibadda.

Hoos ka Dhageyso Codka:-