DHAGEYSO WAREYSIYO IYO FALANQEYN:- Puntland oo Sir banaanka keentay, 8-Koox oo Burcad badeed oo jira iyo Weeraro kale oo laga cabsi qabo

0

Guddoomiyaha degmada Hobyo Cabdullaahi Axmed Cali Faat ayaa sheegay inay qaadi doonaan tallaabo kasta oo lagu samata bixinayo doon kuwa ganacsiga ah iyo shaqaalihii saarnaa oo ay burcad badeedda Soomaali ah kasoo afduubeen badweynta Hindiya, taasi oo xilligan lagu hayo meel u dhow magaalada Hobyo.

Doontan ayaa ka mid ah laba doon oo labadii maalmood ee ugu dambeysay laga afduubtay xeebaha Soomaaliya.

Dhinaca kale, Taliyihii hore ee Hay’adda Sirdoonka Puntland ee loo yaqaan PIA Col. Cabdi Xasan Xuseen (Cabdi Yare) ayaa sheegay in falalka burcad badeedu ay u muuqdaan inay soo laabanayaan marka la eego weeraradii ugu dambeeyey.

Col. Cabdi Yare oo ku sugan Puntland ayaa sheegay inay jiraan illaa sideed kooxood oo burcadbadeed ah oo qaarkood ay badda ku jiraan qaarkoodna ay weeraro cusub qorshaynayaan, wuxuuna sheegay inay taasi astaan u tahay halista soo noqoshada burcadbadeeda.

Col. Cabdi Yare ayaa sidoo kale sheegay inay jiraan dhinacyo ku sugan Yemen oo kooxaha burcad badeeda ka caawinaya dhinaca sahayda iyo agabka.

Halkan hoose ka dhageyso wareysiyada lala yeeshay guddoomiyaha Hobyo Cabdullaahi Axmed Cali Faat iyo Taliyihii hore ee Hay’adda Sirdoonka Puntland ee loo yaqaan PIA Col. Cabdi Xasan Xuseen (Cabdi Yare).