DHAGEYSO WARBIXIN:- Xiisad xoogan oo ka taagan Magaalada Hobyo iyo Dagaal laga cabsi qabo

0

Wararka naga soo gaaraya degmada Hobyo ee gobolka Mudug ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi ay ka taagan tahay Xiisad u dhaxeysay maamulka degmada Hobyo iyo sidoo kale koox burcad ah oo soo Afduubatay dooni Ganacsi.

Ciidamada Galmudug ee ku sugan Hobyo ayaa la sheegay in ay isku aruursanayaan duleedka Magaalada ,islamarkaana kooxaha Burcad badeeda ay ku sugan yihiin Meel u dhow degmada Hobyo ,islamarkaana ay ku haystaan doonida.

Maamulka degmada Hobyo ayaa isku diyaarinaya in uu soo Furto doontaasi hadii ay wadahadal diidaan Kooxaha Burcada ah.

Cabdi Nuur oo ka mid ah dadka kunool degmada Hobyo ayaa Risaala u sheegay in Kooxaha Doonta Ganacsiga soo Afduubtay ay hubeysan yihiin.

Gudoomiyaha degmada Hobyo ayaa Cambaareeyay Falka Burcadbadeeda ay qaadeen ,waxaana uu shacabka kunool degmada Hobyo ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan howlgalka lagu soo badbaadinaayo doontaasi.

Dhinaca kale Markab ka diiwaangashan dalka Hindiya oo labo maalmood kahor ay soo afduubteen burcad badeed Soomaali ah ayaa ciidamada Midowga Yurub markii ugu horeysay ka hadleen waxana uu markabaasi ku sugan yahay meelo ku dhow halkii ugu xooganayd ee maraakiibta lagu afduubanayay sanadkii 2011.

“Kormeer ay sameeysay mid kamid ah diyaaradaha ciidamada badda ee Midowga Yurub ayaa lagu soo ogaaday in markab laga leeyahay Hindiya ee la afduubtay uu ku sugan yahay meel ku dhow dekeda Hobyo xiriir isgaarsiineed oo aan isku daynay in aan la sameyno ayaa suurtogal noqon waayay,” ayaa lagu yiri qoraal lagu qoray shabakada ciidamada Midowga Yurub.

Midowga Yurub ayaa intaa ku daray inay socdaan howlgalo iyo baaritaano sidii loo soo badbaadin lahaa markabkan. Markabkan ayaa waxaa saaran 11 shaqaale ah waxaana markabkan ganacsi uu ku sii jeeday dekeda Boosaaso ee dalka Soomaaliya sida ay qortay wakaalada wararka ee Reuters.

HALKAAN KA DHAGEYSO