DEG DEG+DHAGEYSO:- 5-Haween ah oo Goordhow la Afduubtay

0

Wararka ka imaanaya Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa waxaa ay sheegayaan in inta u dhaxeya Degmada Mahadaay iyo Magaalada Jowhar lagu afduubtay 5 haween ah.

Haweenka la qafaashay ayaa saarnaa gaari hoomey ah oo ka yimid dhanka degmada Mahadaay waxaana uu ku soo jeeday Magaalada Jowhar ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Rag xirnaa dareyska Ciidamada ayaa la xaqiijiyay in gaari wadada u galeen islamarkaana ay rasaas ku fureen markii uu istaagayna ay haweenkaasi la dageen kuwaas oo ku qaatay gaari yar oo ay la socdeen.

Ilaa hadda si rasmi ah looma oga halka haweenkaasi ay la’aadeen Ragan hubeysan iyo waxa ay ku sugan yihiin midna, maamulka Shabellaha dhexe weli kama hadlin.

HALKAAN KA DHAGEYSO