DAAWO WAREYSI:- Maxay tahay sababta Diyaaradii Maanta ka baxday Muqdisho loogu hakiyay Wajeer?

0

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxayay sababtii ka dambeysay in maanta diyaaradihii Muqdisho kasoo baxay lagu amro iney maraan magaaladda Wajeer xili la filayay iney toos utagaan magaaladda Nairobi.

Hadaba, Shabakadda Wararka ee Warqaad.com ayaa ogaatay in sababta diyaaradahaas loogu hakiyay magaaladda Wajeer aysan bur burin doonin heshiiskii dowlada Soomaaliya iyo Kenya ay ka galeen arinta duulimaadyada.

Qaar kamid ah rakaabkii saarnaa diyaarada Daalo ee lagu amray iney Wajeer marto ayaa sheegay in sababaha ka dambeeyay arintaas ay tahay in diyaarada aysan haysan wax ogolaansho ah oo ay toos Nairobi uga dagi karto sidaas darteedna lagu qasbay iney Wajeer marto.

Laakiin diyaarada ayaa haatan qaadatay ogolaanshihii ay ku gali laheyd Nairobi, waxaana waxii maanta ka dambeeya ay duulimaadyadeedu noqon doonaan mid toos ah.

“Kaliya amarkan waxaa uu saameeyay labo diyaarad oo kala ah Daallo iyo Afrika, maxaa yeelay wax shati ah uma aysan goosan iney Nairobi toos uga dagtaan, laakiin haatan qaladaas waa la saxay”ayuu yiri mid kamid ah xubnihii diyaarada la socday.

Diyaarada lagu hakiyay magaaladda Wajeer ayaa waxaa saarnaa madax katirsan DF Soomaaliya kuwaas oo lagu wargeliyay in ay qasab tahay iney ku hakadaan Wajeer si loogu baaro.

HALKAAN KA DAAWO

https://www.youtube.com/watch?v=pjcHUkaqZZI