DHAGEYSO:- Arrin la yaab leh oo Duleedka Muqdisho ka dhacday iyo Oday da’ah oo la..

0

Xaayow Aadan oo ah Oday 74 jir ah kana mid ah Barakacayaasha soo gaaray Duleedka Muqdisho ee ka soo cararay Abaaraha ku dhuftay Gobollada Dalka ayaa xaalad Caafimad darro oo aad u daran wajahaya.

Ninkaan ayaa sheegay in uu ka soo lugeeyay Gobolka Gedo muddo 12 Cishana isaga iyo qoyskiisa ay cagtooda soo maalayeen,waxaana markii ay soo gaareen duleedka Muqdisho soo food saaray Colool xanuun xoogan.

Markii uu u adkeysan waayay Calool Xanuunkaasi daran ayuu dhibaato kale gacantiisa isugu geystay kadib markii Killida uu dab isaga dhejiyay.

Waxaana taasi  ay u horseeday in Xanuun Daran uu laladi waayo,sidaas daraadeed ayuu umadda Soomaaliyeed ka codsaday Kaalmo Beeni’aadanimo in ay la garab istaagaan.

Hoos ka Dhageyso Codka:-