Dowladda Itoobiya oo muddo 4 bilood ku kordhisay xukunkii deg dega ahaa

0

Dowladda Itoobiya ayaa muddo kordhin u sameysay xukunkii deg dega ahaa ee bishii October ee sanadkii hore lagu soo rogay dalkaas, kaddib banaan baxyo rabshado wato oo dalkaas ka dhacay dhamaadkii sanadkii hore.

Baarlamaanka Itoobiya oo xubnihiisa ugu badan ay ku leeyihiin Xisbiga talada haya ayaa si aqlabiyad leh u meel mariyay in muddo 4 bilood lagu kordhiyo xukunkii deg dega ahaa.

Wasiirka Gaashaandhigga Itoobiya Siraj Fegessa ayaa difaacay muddo kordhinta lagu sameeyay xukunka deg dega, isagoo sheegay inuu yahay go’aan loo baahnaa, maadaama guulo horay looga gaaray, kaasoo dib loogu soo celiyay xasiloonida sida uu yiri.

Mucaaradka iyo Kooxaha xuquuqda aadanaha ayaa cambaareeyay tallaabadan, iyagoo ku tilmaamay in lagu camburinayo dadka dhaliila dowladda.

Banaan baxyadii gil gilay Itoobiya ee ka socday labada gobol ee ugu dadka badan qowmiyadaha Oromada iyo Amxaarada ayaa sababay in boqolaal qof ku dhintaan, halka kumanaan kalena lagu xir xiray xabsiyada Itoobiya.