XOG:- Maxaa isku Go'aan ka dhigay Abgaal iyo Majeerteen?

0

Xildhibaannada beelaha abgaal iyo sidoo kale Majeerteen ayaa go’aan isku mid ah ka qaatey golaha wasiirada cusub ee kheyre, kadib markii maalmahan dambe ay soo baxayeen mudanayaal diiddan xildhibaannadaasi.

Labadan beel ayaa siyaabo kala duwan u sheegay iney codka meelamrinta siin doonaan golaha wasiirada cusub ee xukuumadda Kheyre, islamarkaana aaney marnaba kahor imaan doonin.

Waxay sheegeen iney doonayaan iney arkaan xukuumaddan oo shaqeysa, islamarkaana wixii dhaliil ah dib lagala xisaabtami doono.

Sidoo kale waxay sheegeen iney la hadli doonaan xildhibaannada kale ee golaha shacabka si aan codka loogu diidin xukuumadda Xasan Cali Kheyre.