TOP DHAGEYSO:- Wararkii ugu dambeeyay Ansixinta golaha wasiirada iyo Rajada laga qabo in la meel mariyo

0

Xildhibaan Maxamed Maxamuud Jimcaale oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya in ay meelmarin doonaan Wasiirada cusub ee magacaaban.

Mudanaha ayaa sheegay in xildhibaanada Golaha Shacabka maanta ay siin doonaan cod Aqlibiyad leh Wasiirada cusub.

Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre (Xasan Bile) ayaa lagu wadaa in maanta Golihiisa Wasiirada cusub uu horgeeyo Baarlamaanka Soomaaliya, si ay u ansixiyaan.

Baarlamaanka Federaalka ayaa goor sii horeysay waxaa lagu wargeliyay in maanta ay soo xaadiraan xarunta Golaha shacabka, sidoo kalena ay ilaaliyaan waqtiga lagu balamay in la yimaado.

HALKAAN KA DHAGEYSO