TOP DHAGEYSO:- Magaalada Cadaado oo looga dhawaaqay Go'aan ka dhan Qaramada Midoobe

0

Gudoomiyaha Magaalada Cadaado ee Galgaduud Cabdullaahi Cabdiraxmaan oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Hay’adaha Qaramada Midoobey in ay ku fashilmeen Waxkaqabashada Abaaraha ku dhuftay gobolka Galgaduud.

Sidoo kale waxa uu sheegay in aysan waxba ka qaban hay’adaha Gargaarka degaanada maamulka Galmudug.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in ay muhiim tahay in hay’adaha Gargaarka deeqaha  ay keenayaan degaanada Galmudug in ay kordhiyaan.

Waxaa uu sidoo kale tilmaamay in ay hadda ku guuldareysteen in ay shaqeeyaan Hay’adaha Qaramada Midoobey oo uu sheegay in ay magac ahaan u joogaan degaanada Galmudug.

HALKAAN KA DHAGEYSO