TOP DHAGEYSO:- Fariin culus oo ku socota Xildhibaanada Maanta la Horgeynayo Wasiirada cusub

0

Xildhibaan Sheekh Xuseen oo ka mid ah xildhibaanada Aqalka Sare ayaa ka codsaday xildhibaanada golaha Shacabka in ay codka kalsoonida in ay siiyaan Wasiirada uu dhawaan soo magacaabay Ra’iisulwasaare Xasan Cali Kheyre.

Xildhibaanka ayaa sheegay in ay muhiim tahay in Wasiirada cusub ay helaan codka kalsoonida marka la eego dhibaatooyinka heysta bulshada Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxaa xusay in abaaro daran ay ka jira Soomaaliya , islamarkaana Wasiiro ay yihiin golihii fulinta ee Wax ka qaban lahaa.

Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre (Xasan Bile) ayaa lagu wadaa in maanta Golihiisa Wasiirada cusub uu horgeeyo Baarlamaanka Soomaaliya, si ay u ansixiyaan.

HALKAAN KA DHAGEYSO