XOG CUSUB:- Golaha Wasiirada cusub oo maalinta berri la hor-geynayo Baarlamaanka Soomaaliya

0

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa maalinta berri oo Arbaco ah hor-geynaya Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Golihiisa Wasiirada, si codka kalsoonida loogu qaado.

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa caawa fiidkii fariimo qoraaleed loogu sheegay in maalinta berri ka soo qeyb galaan kulanka Baarlamaanka oo lagu horkeenayo Xukuumadda iyo Barnaamijkeeda siyaasadeed.

Kulanka Baarlamaanka ayay u badan tahay in lagu meel mariyo Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Kheyre, waxaana maanta la soo gaba gabeeyay kulamo looga arrinsanayay kalsooni siinta Xukuumadda.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa kulamo is-daba joog ah la lahaa Xildhibaanada Baarlamaanka, isagoo kaga dalbanayay in Xukuumaddiisa ay codka kalsoonida siiyaan.

Ololaha kalsooni raadinta Xukuumadda ayaa waxaa qeyb ka ahaa qaar ka mid ah Madaxweynayaasha maamul goboleedyada oo taleefano kula soo hadlayay Xildhibaanada deegaanadooda ka soo jeeda.

Horaantii todobaadkan ayaa waxaa jirtay cabsi ah in Xukuumadda ay weyso codka kalsoonida, kaddib markii illaa 105 Xildhibaan ay saxiixeen qaraar ay ku dalbanayaan in wax ka bedel lagu sameeyo Wasiirada, si loo saxo awood qeybsiga beelaha oo ay sheegeen in aanu sax aheyn.

Qoraal uu Guddoomiye Jawaari u diray Ra’iisul Wasaaraha ayaa xaalada sii cusleeyay, taasoo banaanka soo dhigtay sida Guddoonka Baarlamaanka ugu qanacsaneyn qaabka loo soo xulay Wasiirada, isla markaana shaqsiyaad ay wateen lagu soo dari waayay Xukuumadda.

Hase ahaatee dadaalo aan kala go’ laheyn oo ay wadeen Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha, Wasiirada magacaabay iyo qaar ka mid ah madaxda dowlad goboleedyada ayaa suura geliyay in la kala fur furo Xildhibaanada ka soo horjeeday Xukuumadda, isla markaana lagu qanciyay inay ansixiyaan Xukuumadda.

Ilo ku dhow dhow Xafiiska Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa sheegaya in rajo badan laga qabo in maalinta berri la meel mariyo Golaha Wasiirada cusub.

Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa hadii la ansixiyo waxaa laga sugayaa in waajibaadka loo igmaday wax ka qabato, iyadoo Xukuumaddan laga sugayo shaqooyin adag oo ay ugu weyn tahay ammaanka, arrimaha abaaraha iyo jiheynta siyaasada dalka.