WAR DEG DEG AH:- Dil Caawa ka dhacay Magaalada Muqdisho

0

Wararka inaga soo gaaraya xaafada Buur-dheere Degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir ayaa waxa ay sheegayaan in kooxo hubeysan caawa ay ku dileen Askari Ciidanka NISA ka tirsanaa, iyaga oo sidoo kale dhaawacay Askari kale.

Kooxahan ku hubeysnaa Bastooldaha ayaa la sheegay in Labadan Askari ay ka toogteen qeybta sare jirkooda, iyaga oo dhowr xabadood ku furay, kadibn goobta isaga baxsaday.

Dadka Degaanka ayaa warbaahinta Risaala u sheegay Labada Askari ee Rasaasta lagu furay in mid ka mid ah uu dhintay, halka kan kalena uu dhaawacmay.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka NISA ayaa sheegay Askariga la dilay in lagu magacaabi jiray Anas, halka mid kale ee la dhaawacay lagu magaacabo Ibraahim Shigshigow.

Ciidanka ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya oo wata Gaadiidka Dagaalka ayaa waxa ay gaareen goobta uu dilka ka dhacay, waxaana ay halkaasi ka qaadeen Askarta la Rasaaseeyay, iyaga oo sidoo kale sameeyay baaritaano.