DHAGEYSO+SAWIRO:- Barnaamij Xiiso badan oo ka socda Magaalada Baydhabo

0

Magaalada ee xarunta Gobolka Baay maalinkii Saddexaad waxaa ka socda Barnaamijka Isla xisaabtanka dhexmaraya Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed iyo shacabka, kaasi oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Warfaafinta Maamulkaasi.

Wasaaradaha Gaadiidka, Maaliyadda, Haweenka iyo Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha ayaa maanta marti ku ahaa Barnaamijka Isla xisaabtanka, waxaana Wasiirada Wasaaradahan dadweynaha ay su’aalo ka weydiinayeen waxyaabihii ay soo qabteen Labadii sano ee uu maamulka dhisnaa, waxaana Wasiirada ay sameynayeen balanqaadyo iyo hormaro kale oo ay ku soo kordhinayaan Wasaaradaha.

Dhinaca kale Wasiirka Warfaafinta Maamulka Koonfur Galbeed Ugaas Xasan Cabdi Maxamed ayaa sheegay Barnaamijka Isla xisaabtanka dhexmaraya Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed iyo shacabka in uu si wanaagsan u socdo oo waxyaabo badan ay ku kal faa’ideysanayaan Maamulka iyo shacabka.

Barnaamijka Isla xisaabtanka dhexmaraya Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed iyo shacabka oo mudo Shan maalmood ah socon doona ayaa lagu wadaa in la soo gaba gabeeyo Khamiista ina soo aadan, xilligaasi oo la soo bandhigayo natiijadii ka soo baxday.

Hoos ka Dhageyso Codka:-