DHAGEYSO:- Tirada dadka isku Diiwaan geliyey Doorashada Somaliland oo la Shaaciyey

0

Guddida Doorashada Somaliland ayaa maanta kulan ay ku qabteen Hargeysa waxa ay ku shaaciyeen tirada hordhaca ah ee dadka isku diiwaan geliyay codeynta Doorashada Madaxweynaha.

Guddiga ayaa waxa ay sheegeen dad tiradooda gaareyso 873,000 ay guud ahaan Somaliland iska diiwaangeliyeen, kuwaasi oo ka qeyb galaya Doorashada.

C/fataax Ibraahim Xasan oo ka mid ah Guddiga Doorashada Somaliland oo warbaahinta la hadlay ayaa faah faahiyay tirada Gobol walba iyo Degmo kasta iska diiwaangeliyay.

Sidoo kale C/fataax Ibraahim Xasan ayaa sheegay qeybinta kaararka codbixintu in ay bilaabaneyso 29-ka Bishan April ee sanadkan.

Guddiga Doorashada ayaa waxa ay horey u sheegeen qof kasta oo isku daya in mar wax ka badan is diiwaangeliya uu weynayo xaqii codeynta iyo kaarkaba.

Doorashada Madaxweynaha Maamulka Somaliland ayaa la qoondeeyay in la qabto batamaha Bisha 11-aad ee sanadkan, waxaana Beesha Caalamka ay horey u sheegtay in aysan dhaqaale ku bixineyn Doorashada, maadaama waqti badan dib loo dhigay.

Hoos ka Dhageyso Codka:-