DHAGEYSO:- Shir Xasaasi ah oo ka furmay Muqdisho iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka oo la..

0

Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya maanta waxaa ka furmay shir weyne Qaran, kaasi oo looga hadlayo is dhexgalka bulshada, cirib tirka saboolnimada iyo sidii xuquuqdooda loo ilaalin lahaa dadka la heyb sooco.

Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha bulshada Soomaaliya ayaa soo qaban qaabisay shirkan, iyada oo la kaashaneysa AMISOM iyo laamaha kale ee Dowlad Goboleedyada.

Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari), Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda shaqada iyo Arim aha bulshada , Guddiga arrrimaha Bulshada Baarlamaanka, xubno ka socday AMISOM iyo marti sharaf kale.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa sheegay dalka in uu ka soo kabsanayo dhibaatooyin badan oo ay ka mid yihiin Abaaraha, Cudurada, Dagalada Sokeeye iyo midib takoorka, kuwaasi oo in mudo ah dalka ka soo jiray.

Dhanka kale ku xigeenka Midowga Afrika ee AMISOM Lydia Wanyoto oo ku magac dheer (Luul) ayaa sheegtay wadankeeda in uu soo maray arrin xun oo aad u dhibaato badan, waxayna sheegtay Soomaaliya in ay ka mid aheyd wadamadii u soo gurmaday.

Shirkan ayaa Magaalada Muqdisho waxa uu ka socon doonaa ilaa mudo Saddex maalmood ah, waxaana la rajeynayaa in uu ka soo baxo qorshaha talaabooyinkan Qaran oo lagu gorfeynayo arrimaha dhaqaalaha iyo kan siyaasadeed ee bulshada.

Hoos ka Dhageyso Codka:-