DHAGEYSO:- Madaxweyne Shariif Xasan ooh al Arrin Keliya ka Codsaday Ciidanka AMISOM

0

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ka codsaday Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM in ay ka qeyb qaataan sidii loo xaqiijin lahaa amniga wadada xiriirisa Magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo.

Degaanada u dhaxeeya Magaalada Muqdisho iyo Baydhabo ayaa waxaa la sheegaa in ay ku sugan yihiin xubno ka tirsan ururka Al-shabaab oo inta badan wadada u gala Gaadiidka Dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed.

Shariif Xasan Sheekh Aadan Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM in looga baahan yahay door muhiim ah in ay ka qaataan sidii loo xaqiijin laha wadada in ay amni tahay.

Waxa uu sheegay Shariifka hada in ay socdaan Gurmadka Abaaraha, loona baahan yahay xaqiijinta amniga wadada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo.

Al-shabaab ayaa inta badan waxa ay wadada u galaan Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM, halkaasi oo mararka qaar ay ku dhexmaraan Dagaalo  culus.

Hoos ka Dhageyso Codka:-