DHAGEYSO:- Madaxweynaha HirShabeelle oo Afka Furtay Hal Arrina ku eedeeyay Dowladda Soomaaliya

0

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali C/laahi Cosoble oo maanta shir jaraa’di ku qabtay Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxa uu eedeyn u jeediyay Wasaaradda arrimaha gudaha, gaar ahaan xoghayaha joogtada Wasaaradda arrimaha gudaha Prof. Yaxye.

Cali C/laahi Cosoble Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle ayaa xoghayaha joogtada Wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya Prof. Yaxye Cali Ibraahim waxa uu ku eedeeyay in shakhsiyaad aanan metaleyn Hirshabeelle uu ka qeyb galiyay shirar ay ka mid yihiin shirkii shalay ka dhacay Muqdisho, kaasi oo looga hadlayay xuduudaha dalka.

Madaxweyne Cosoble ayaa Dowladda Federaalka waxa uu ka codsdaday in ay faragelinta ka daayaan Maamulka Hirshabeelle, isaga oo sidoo kale sheegay in ka maamul ahaan ay wax ka qaban doonaan fara gelinta Wasaaradda arrimaha gudaha.

Waxa uu Madaxweynaha iyo R/wasaaraha ugu baaqay in ay ka biyo diidsan yihiin qaabka ay howlwadeenada Wasaarada arrimaha gudaha ee Dowladda Federaalka ay ula mucaamalaan Dowlad Goboleedka Hirshabelle.

Dhanka kale Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali C/laahi Cosoble ayaa magacaabay Guddi ka shaqeeya arrimaha Abaaraha, wuxuuna kala diray Guddi Abaaraha ka shaqeynayay, kaasi oo uu magacaabay Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle.

Hoos Ka Dhageyso Codka:-