Askari ka tirsan Ciidanka Dowladda oo dil Bareer ah u geystay Arday

0

Ciidanka ammaanka Dowladda Federaalka ee Degmada Dharkeynley ayaa Garoonka Kubadda Cagta ee Dhame Yaasiin ee Degmadaasi waxa ay ku toogteen Labo Arday oo Garoonkaasi ka daawanayay cayaar dhexmareysay Labo Iskuul.

Iskuulka Al-anwaar ayaa Tartan kubadda Cagta ah waxa uu u qabtay Iskuulada ku yaalla Degmada Dharkeynley ee Gobolka Gobolka Banaadir.

Ciyaar shalay ka dhacday Garoonka Kubadda Cagta ee Dhame Yaasiin ayaa waxaa ka dhashay buuq iyo gacan ka hadal, waxaana taasi ay sababtay in Maamulka Garoonka ay halkaasi keenaan Ciidamo ka tirsan kuwa Degmada Dharkeynley oo sugaya ammaanka.

Dilka Labadan Arday ayaa yimid kadib markii Askari ka tirsan Dowladda Federaalka uu weydiiyay Labadaasi Arday Labo Kun oo SH.So. oo Garoonka lagu galayay, iyada oo Labada Arday ay diideen in ay bixiyeen Lacagtaasi, intaasi kadib Rasaas ka fakatay Askarigaasi ayaa sababtay in ay disho Labadaasi Dhalinayaro.

Qof ka tirsan Dadka Degaanka ayaa sheegay Labada wiil ee la dilay in ay da’ahaan jireen 14 sano, isaga oo sidoo kale sheegay in arrintan shacabka Dharkeynley ay ku noqotay mid argagax leh.