Muqdisho oo laga Faraxsan yahay Saaka iyo Roob ay ku qabowsadeen shacabka

0

Qaar ka mid ah Gobolada dalka iyo Magaalada Muqdisho waxaa ka Da’ay Roobab ay ku qabowsadeen shacabka, waxaana saakay dadka ay ku soo tooseen iyada oo dhulka uu Qoyan yahay.

Dadka reer Muqidsho ayaa saakay ku soo toosay iyada oo Magaalada uu Roob ka Da’ay, inkastoo Roobka uusan aheyn mid biyo dhigay wadooyinka waa weyn.

Gobolada dalka ee qaarkood Abaaraha ay ka jiraan ayaa shalay iyo Habeen hore waxaa ka Da’ay Roob ay dadka ku nimceesteen, maadaama Abaaro xoogan ay ka jiraan dalka.

Mudooyinkii dambe Magaalooyinka Gobolada dalka iyo Magaalada Muqdisho dadka waxa ay isugu imaanayeen Salaad Roobdoon ah, oo Alle ay kaga baryayeen in uu Raxmadiisa ku qaboojiyo.

Gobolada dalka gaar ahaan Koonfurta iyo Degaanada Puntland waxaa laga soo wariyay in ay ka Da’een Roobab ay ku nimceesteen dadka iyo Duunyada.