DHAGEYSO:- Faah faahino dheeraad ah oo ka soo baxayo Toogasho ka dhacday Magaalada Baardheere

0

Niman bistoolado ku hubeysnaa, ayaa xalay Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ku dilay Allaha u naxariistee Xuseen Ilyaas Cabdi (Xuseen Madoobe), oo ka hawlgalaayay Xarunta Shirkadda Isgaarsiinta Somtel ee Degmadaasi.

Raggan, ayaa waxay Xuseen Ilyaas Cabdi ku dileen xaafadda Qalaaliyow, xilli la sheegay in hoygiisa uu ku sii jeeday, waxayna dilka ka dib ka baxsadeen xaafadaasi.

Ciidamada Dowladda Somaliya ee ku sugan Degmada Baardheere oo gaaray halka uu dilku ka dhacay, ayaa waxay ka sameeyeen, iyagoona gacanta ku soo dhigay dad la tuhunsan yahay.

Ma cadda sababta ka dambeysa dilka Xuseen Madoobe, mana jirto wax war ahi oo ay ka soo saareen Saraakiisha Ciidamada Dowladda ee ka hawlgala Baardheere.

Ilo madax bannaan, ayaa Dhacdo.com u sheegay in Xuseen Madoobe uu ku magacawnaa Maamule Kuxigeenka Shirkadda Somtel ee Xarunteeda Degmada Baardheere.

Dhanka kale waxaa soo baxaya warar sheegaya in Xuseen Madoobe uu sidoo kale ka shaqaynayay dadaalada lagu doonayo in loogu gurmado dadka Somaliyeed ee abaaruhu ku asiibeen Gobolkaasi Gedo.

Hoos ka Dhageyso Codka:-