DHAGEYSO WAREYSI:- Wasiir Hadliye “Isbahaysiga Sacuudiga uu hoggaaminayo iyo Yemen ayaa ka dambeeyay Xasuuqii ka dhacay Yamen”..

0

Sii hayaha Wasiirka Wasaarada Arrimaha Dibadda Soomaaliya C/salaam Cumar Hadliye ayaa ka hadlay dadka Soomaaliyeed ee ku dhintay Duqeyn ka dhacday Xeebaha Wadanka Yaman Xilli ay saarnaayeen doon.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa sheegay in falkaasi lagu laayay dadka Soomaaliyeed ay ka danbeeyaan isbahaysiga uu hoggaamiyo dalka Sacuudiga iyo Dowladda Yemen.

“Waxaa ka dhacay Yemen dhibaato wayn oo gaartay dad Soomaaliyeed oo Masaakiin ah, waxaan ku tala jirnaa inaan kala hadalno Dowladda Yemen Arrintaan, sidoo kalana Yemen waxaa looga fadhiyaa inay Jawaab cad ka bixiso Arintaan.” sidaasi waxaa yiri wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay doonayso in la cadeeyso cida ka masuulka ah falkaan iyo sababta loo beegsaday dadka Soomaaliyeed.

Hoos ka Dhageyso Wareysiga Wasiir Hadliye:-