Guddi ka socda Senetka oo diiday sheegashada in Trump la basaasay

0

Trump ayaa sheegay in madaxweynihii uu badalay uu dhagaysan jiray taleefanadiisa balse wax caddayn ah ma uusan keenin

Ma jiraan wax raadad ah oo muujinaya in dawladda Maraykanku ay basaasaysay dhismaha Trump Tower ka hor amaba ka dib doorashadii Maraykanka, sida uu sheegay guddi ka tirsan aqalka Senetka.

Seneter Richard Burr oo ah gudoomiyaha guddiga senetka u qaabilsan sirdoonka oo ka tirsan xisbiga jamhuuriga ayaa war qoraal ah oo uu soo saaray meesha kaga saaray sheegashada ah in si qarsoodi ah loola socday taleefannada Donald Trump.

Sean Spicer oo ah afhayeenka Aqalka Cad ee looga arrimiyo dalka Maraykan ayaa sheegay in Trump uu wali ku adkaysanayo sheegashadiisa.

Xoghayaha saxaafadda ayaa diiday in uu aqbalo warbixinta guddiga sirdoonka, isaga oo sheegay in aysan ahayn natiijo baaritaan ka soo baxday.

Galinkii hore ee Khamiista afhayeenka aqalka wakiillada Paul Ryan ayaa sheegay in aysan jirin “dhagaysi noocaas ah” oo lagu sameeyay Trump.

Gudoomiyaha guddiga sirdoonka ee aqalka Devin Nunes ayaa sheegay Arbacadii in uusan rumaysnayn in ay xaqiiqo ahaan u jirto in si qarsoodi ah loola socday dhismaha Trump Tower.

Trump oo Obama ku edeeyay dhagesysiga teleefoonadiisa.

Trump oo wali ku adkaysanaya in Obama uu basaasay

Trump FBI-da kalama hadlin sheegashada in la dhagaystay taleefoonadiisa

Trump oo wiilka uu sodogga u yahay ka dhigay lataliye

Laakiin intaas oo dhan kama hor istaagin Trump in uu Fox News Arbacadii u sheego in basaasiddan qarsoodiga ah ay dhinacyo badan taabanayso.

Wuxuuna sidoo kale bidhaamiyay in todobaadyada soo socda la soo bandhigi doono faahfaahin badan oo ku saabsan eedaymaha basaasida ee lagu sameeyay.

Illaa iyo hadda Aqalka Cad wax caddayn ah uma keenin sheegashada madaxweynaha, taas badalkeedana Kongareeska ayuu waydiistay in uu baaritaan sameeyo oo uu ka mid dhigo baaritaannada ballaaran ee ku saabsan eedaymaha sheegaya in Ruushku uu farogeliyay doorashadii Maraykanka.