DHAGEYSO:- QM oo sheegtay in ay 5 kun oo qof ku celisay Soomaaliya

0

Hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan qoxootiga ee UNHCR,ayaa sheegtay in dad ku dhow 5 Kun oo qof ay dib ugu celisay Soomaaliya labadii todobaad ee la soo dhaafay.

Hay’adda waxaa ay sheegtay in intii u dhaxeysay 16-31dii January ay Hay’adda celisay 4,753 qof ka hor inta Maxkamadda sare ee Kenya aysan diidin dib u celinta qaxootigaas oo ay sharci darro ku tilmaantay.

Wakiilka UNHCR u qaabilsan dib u celinta Qaxootiga Soomaaliya ayaa sheegay in ilaa 2014kii ay Soomaaliya ku celisay 44,365 qof oo qaarna lagu qaaday diyaarad halka kuwo kalena lagu celiyay Baabuur oo dhulka la mariyay.

Meelaha ugu badan ee la dejiyay ayaa kala ah Gobollada Jubbooyinka iyo Gedo iyo Baay.

Toban duullimaad diyaaradeed ayey sheegtay in ay ku lug lkahaayeen dib u celinta qaxootiga Soomaalida ee Dhadhaab.

Maxkamadda sare ee Kenya ayaa todobaadkii hore ku canaanatay Dowladda Kenya gefka ay ku heyso xuquuqda aadanaha,waxaana ay Maxkamadda amartay in aan dib loo celin Karin Qaxootiga Soomaalida ah.

Hoos ka Dhageyso Codka:-