Isu socodka dadka iyo gaadiidka oo dib uga bilowday Muqdisho

0

Isu socodka gaadiidka iyo dadka ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho kadib labo maalmood oo bandow ah uu ku soo rogay maamulka gobolka Banaadir.

Bandowga ayaa waxaa xalay jebiyay shacabka magaalada Muqdisho oo banaanbaxyo waaweyn ka dhigey wadooyinka magaalada Muqdisho iyadoo dadka ay isu hambalyeynayeen doorashada Madaxweynaha cusub ee dalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Gaadiidka basaska dadka ay raacaan iyo gaadiidka kale ayaa saaka uga shaqeynaya magaalada Muqdisho iyadoo waji cusub uu yeeshay magaalada dadkana ay ku faraxsan yihiin isbedelka ka dhacay dalka.

Goobaha ganacsiga ayaa si caadi ah u furmay inkastoo aan laga qaadin jidgooyooyin la dhigey qaar kamid ah wadooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho. Wadooyinka magaalada Muqdisho ayaa loo xirey labadii maalmood ee la soo dhaafay doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.