Dowladda Ingiriiska oo Saldhigyo Ciidan ka dhiseya K/Galbeed Somaliya

0

Dowladda Ingiriiska ayaa waxaa ay Saldhigyo Ciidan ka dhiseysaa degaannada Maamulka Koofur Galbeed ee Soomaaliya.

Ku simaha Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed ahna Wasiirka Beeraha Maamulkaas Maxamed XasN Fiqi,ayaa sheegay in Maamulka Koofur Galbeed iyo Safaaradda Ingiriiska ee Muqdisho ay isku afgarteen dhismaha labo Saldhig oo lagu tababaro Ciidanka Maamulkaas.

Sidoo kale Fiqi,waxaa uu sheegay in Dowladda Ingiriiska ay ka caawineyso maamulkaas qalabeynta Ciidanka lagu tababarayo labo Xero ciidan ee ay ballan qaadday Dowladda Ingiriiska in ay dhiseyso.

Wasiirka Beeraha Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegay in Maamulkaas iyo Safaaradda ay 4 Cisho ka hor ka wada hadleen saldhigyadaas,sidoo kalena maanta ay doonayaan in ay billaabaan fulinta howshaas.