TOP DHAGEYSO:- War ku saabsan Dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku xiran Hindiya

0

Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir ayaa sheegay in Dowladda Hindiya ay kala hadleen sidii dhalinyarada Ku Xiran Dalkaasi in markii la Xukumo lagu soo wareejiyo Dowladda Soomaaliya si Xukunkooda ay ugu dhameystaan Dalkooda Hooyo Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in ay Heshiiyeen balse ay dhiman tahay in heshiiska ay si rasmi ah labada Dowladdood ugu kala saxiixdaan.

Waxa uu tilmaamay in uu kala hadlay Madaxda Dowladda Hindiya sidii Xukunkooda loogu fududeyn lahaa Xukunka lagu ridayo bilaha soo socda.

Waxa uu sidoo kale sheegay in dhalinyaradaasi Markii la Xukumo loo soo wareejiyo Dalka Soomaaliya.

In ka badan 100 dhalinyaro Soomaaliyeed ah ayaa ku xiran Dalka Hindiya kuwaasi oo loo heysto falal burcad badeednimo  Waxaana Dowladda Hindiya ay sheegtay in 50 ka mid ah dhalinyaradaasi ay ku Xukuntay dil toogasho ah.

HALKAAN KA DHAGEYSO