TOP DAAWO:- Cadaado oo lagu soo bandhigayo Shuruudaha laga doonayo Madaxweynaha cusub ee bedelaya Guuleed

0

Waxaa Magaalada Cadaado ka socda Kulamada ay yeelanayaan Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ee dhowaan Xilka ka Qaaday Madaxwaynihii maamulkaasi C/.kariim Xuseen Guuleed, Iyadoo Xildhibaanadu ay doorteen Gudiga Doorashada Madaxwaynaha Cusub oo ka Kooban 11 Xubnood.

“Waxaanu dhowaan soo bandhigaynaa Shuruudaha Looga baahan yahay Musharixiinta, Mudo 30-Casho Gudahood ah ayaanu ku Dooran doonaa Madaxwaynaha Cusub“. Ayay tiri Gudoomiye ku xigeenka Gudiga Doorashooyinka Galmudug.

Magaalada Cadaado ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxaa siwayn looga Dareemay Xiisad ka dhalatay Xilka qaadista lagu sameeyay Cabdikariim Guuleed.

HALKAAN KA DAAWO