XOG RASMI AH:- Xildhibaannada Hawiye Iyo Daarood Oo Jilbaha u Surtay Sidii ay Maanta u dooran lahaayeen..

0

Xildhibaannada kasoo jeeda beelaha Daarood iyo Hawiye ayaa maanta doonaya ineysan marnaba dooran xildhibaan C/rashiid Xidig oo isku soo taagey guddoomiyaha golaha shacabka Soomaaliya.

Xildhibaannadan ayaa raba iney doortaan oo kaliya shaqsi kasoo jeeda beelaha Digil iyo Mirifle, waxaana loo maleynaa in mar kale codkooda siiyaan Jawaari.

Xidig sababta aysan ugu rabin guddoomiye baarlamaan ayaa waxay tahay in beesha Daarood aysan seegin madaxweyne ama Ra’iisul wasaare.

Waxaa golaha shacabka ka bilaaban doona maanta dagaal siyaasadeed aan caadi ahayn, waana arrin saacado kadib soo  bixi doonta.