Haweenay Uur laheyd oo lagu dilay Gobolka Shabellaha Dhexe

0

Haweenay uur laheyd ayaa la sheegay in lagu dilay Gobolka Shabellaha hoose, kadib markii nin horay u qabay oo ay kala tageen uu geystay falkaasi dilka ah.

Liibaan Xassan Barow ayaa waxa uu diley haweeneyda Saafi Faarax Qaasim oo ah xaas uu horey u qabey balse hadda u dhaxda nin kale, dhacdada waxa ay ka dhacdey deegaanka Garas Bintow oo ka tirsan Gobolka Shabellaha Dhexe.

Ninka falka dilka ah geystay ayaa dilka wuxuu u adeegsaday tooreey, kadib markii Haweenaydan oo uur laheyd uu caloosha ka geliyay tooreyda.

Gacan ku dhiiglaha falka dilka ah geystay oo lagu magacaabo Liibaan Xasan Barow, ayaa isagana wuxuu caloosha iska geliyay tooreyda, balse ma uusan dhiman, sida dadka deegaanka ay xaqiijiyeen.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya ninka falkaan geystay inuu miirkiisa taam ahaa, balse dhacdada uu geystay ay la xiriirto arimo maser awgeed.

Gabadha la diley ee Saafi waxaa ay horay u dhashay 3 cunug oo labo ka mid ah ayey u dhashay ninka dilay, hadda waxaa ay laheyd uur.

Falkaan ayaa wuxuu argagax ku noqday dadka deegaanka Garas Bintow ee Gobolka Shabellaha Dhexe oo si aad ah u hadal haayo dhacdadan.