XOG:- Wahaabiyiinta Ku Qul Qulaya Magaalada Caabudwaaq Oo Bilaabay Qorshe Cusub Oo Ay Isaga Horkeenayaan Odaayasha Dhaqanka Iyo Qaybaha Kale Ee Bulshada.

0

Wararka naga soo gaaraya Ilo wareedyadeena ku sugan gudaha magaalada Caabudwaaq ayaa waxa ay sheegayaan in Wahaabiyiin ku hungoobay ku noolaanshaha Qurbaha inay ku hawlan yihiin sidii ay isaga horkeeni lahaayeen Odayaasha dhaqanka soo jireenka u ah iyo qaybaha kale ee dadka reer Caabudwaaq.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in Wahaabiyiinta ku hungoobay dalka dibeddiisa ama dalalka reer Galbeedka ah inay maalmahan xooga saarayaan sidii ay isaga horkeeni lahaa odayaasha dhaqanka iyo dadka ay matalaan.

Wahaabiyiintan ayaa waxa ay bilaabeen inay shirqoolo u maleegaya ay ku fashilin lahaayeen odayaasha dhaqanka soo jireenka ah ee sharafta leh, iyagoo ka horkeenaya bulshada ay u yihiin odayaasha, taasoo ay u adeegsanayaan

Ilo wareedyadeena ayaa waxa ay sheegayaan Wahaabinyiinta ku sugan gudaha magaalada iyo kuwa dalka dibeddiisa ay si wadajir ah u wadaan ololahan ay ku doonayaa in ay oday dhaqameed walba uga taqalusaan ama fashiliyaan si bulshada ugu kacdo, marka bulshada kacdana ay iyagu bilaabaan kacdoon ay gadaal ka riixayaan oo lagu ridaayo ama badalayo odayaasha dhaqanka, dhawaan ayayna bilaabayaan inay yiraahdaan waa in la soo doortaa odayaal dhaqan oo cusub, waa fashilmeen odayaashii hore iwm, taasoo meel ka dhac weyn u ah odayaasha dhaqanka iyo bulsho weynta reer Caabudwaaq.

Wahaabiyiintan ayaa haba yaraato’e aysan jirin wax ay ka xishoodaan ama xeeriyaan marba haddii ay maanta marayaan ama u tafa xeydan yihiin sidii ay u bur burin lahaayeen ama isaga horkeeni lahaayeen odayaasha dhaqanka ee soo jireenka ah ama ay bulsdhada inteeda kale, waxaana arrintan ku dhiirinaya oo sabab u ah waa inay horey usoo burburiyeen ama shaki u galiyeen dhaqankii guud ee dadkan ee gobolada Jubbooyinka.

Isku soo wada duuboo reer Caabudwaaq waa lagu soo duulay, fidnada ka taagana waxaa bud dhige u ah Wahaabiyiinta, waxa ay isticmaalayaana waa wiilasha u adeegaya ururada Wahaabiyada ee ku dhuumaaleysanaya gudaha magaalada Caabudwaaq iyo kuwo ku kala sugan dalalka Norway, UK Iyo Mareykanka, waa dagaal cad oo aan gabasho lahayn oo ay ka mideysan yihiin dhamaan Wahaabiyiinta, Reer Caabudwaaqna waxaad moodaa inaysanba ku baraarugsaneen amaba dhayalsanayaan dagaalka ba’an ee lagula jiro, odayashooda dhaqanka, Siyaasiyiintooda, Saraakiishooda, Ganacsatadooda iyo guud ahaan Waxgaradka kale ee qaybaha kale ee Bulsho weynta Reer Caabudwaaq.

FILO:- Magacyada iyo sawirada wiilasha loo soo adeegsaday dagaalka Caabudwaaq haddii ay joogaan gudaheeda iyo haddii ay joogaan dalalka reer Galbeedka ah, sidoo kale filo xogta ilahooda dhaqaalaha, ganacsiyada ay leeyihiin iwm.

Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media