TOP DHAGEYSO:- Maxaa ka cusub Doontii laga lahaa Puntland oo ay Gacanta ku dhigeen Galmudug ?

0

Siciid Cali Xuseen oo sheegtay inuu yahay wakiilka Dooni kalluumaysi oo maalmo kahor gacanta u gashay Galmudug ayaa markii ugu horeysay warbaahinta kasoo hadlay isagoo sheegay doontaasi inay ahayd doon kalluumaysi oo Shati ka haysatay dowladda Puntland.

Wuxuu beeniyay war kasoo baxay maamulka Galmdug oo ahaa in doontaas ay ahayd doon si sharci darro ah uga kalluumaysanaysay xeebaha Galmudug, wuxuuna tilmaamay doontaas inay tahay markii ugu horeysay oo ay xeebaha Galmduug soo gasha, wuuna beeniyay inay wax kalluumaysi ah ka sameysay xeebaha Galmudug.

HALKAAN KA DHAGEYSO