TOP DHAGEYSO:- Halkee laga soo xulay Xildhibaanadii Shalay lagu doortay Dhuuse-Mareeb ? iyo Maamulka Ahlu Sunna oo ku dhawaaqay War Caqabad ku ah Galmudug

0

Xildhibaanada Cusub ee Maamulka Gobolada Dhexe Ahlusunna ayaa lagu dhaariyay Magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud iyadoo Xildhibaanada ay ka kooban yihiin 65 Xubnood.

Afhayeenkii Hore Ee Maamulka Ahlusunna Ahna Xildhibaan Katirsan Baarlamaanka Ahlusunna Sheekh Mursan Maxamed Xeefow ayaa sheegay in Baarlamaanka Cusub ee Gobolada Dhexe laga soo xulay Seddaxda Gobolo ee Kala Ah Galgaduud, Mudug iyo Gobolka Hiiraan.

Afhayeenkii hore ayaa intaa kudaray in Xildhibaanada lagu dhaariyay Magaalada Dhuusamareeb ayaa u dhan yihiin Beelaha dega Seddaxda Gobol islamarkaana aanu lamid aheyn Baarlamaanka kuwii horey loogu dhisay Maamul goboleedyada Dalka.

HALKAAN KA DHAGEYSO