DHAGEYSO WAREYSI XASAASI AH:- Madaxweyne Gaas oo Banaanka keenay Sababta uu u baajiyay Xuska sanad guuradiisii saddexaad, La Xisaabtanka Golahiisa Wasiirada iyo Arimo kale

0

Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa markii igu horeysay ka jawaabay sababta uu u baajiyay xuska sanad guuradiisii saddexaad ee kasoo wareegatay markii loo doortay xilka madaxweynaha dowladda Puntland sanadkii 2014.

Madaxweyne Gaas ayaa sheegay sababta uu u baajiyay sanad guuradiisa inay tahay, isagoo ka xishooday iyadoo lagu jiro abaar xoogan iyo xaalad adag inuu damaashaado, taasoo uu ku tilmaamay inaysan ahayn arrin wanaagsan.
Wuxuu sheegay madaxweynuhu inuu shacabkiisa gaarsiindoono khudbad uu kaga hadlayo wax-qabadkiisa, aragtidiisa siyaasadeed ee 2017, arrimaha Soomaaliya iyo beesha caalamka.

Madaxweynuhu wuxuu sidoo kale sheegay in haatan gacanta lagu hayo la xisaabtanka golihiisa wasiirada iyo isbedelka laga filayo dhawaan, iyadoo lagu soo bandhigidoono magaalada Garowe, sidoo kalena natiijada kasoo baxda lala wadaagidoonaan shacabka Puntland.

Hadalkaan wuxuu madaxweyne Gaas ku sheegay wareysi uu siiyay Radio Daljir Soomaaliya.

HALKAAN KA DHAGEYSO WAREYSIGA