DHAGEYSO COD SIR IYO FADEEXO:- Waxaa tahay Habar-gidir Xun ama Mareexaan – Masuul katirsan Jubbaland oo u hanjabay Wariye Wareysi doon ahaa

0

Afhayeenka Wasaarada Amniga Maamulka Jubbaland Axmed Carab ayaa laga duubay Cod sir uu ugu hanjabayo wariye ka shaqeeya Mid kamida Idaacadaha Muqdisho.

Wariyaha ayaa qadka telefoonka kula xidhiidhay Afhayeenka si uu u wareysto hase ahaatee Masuulkan ayaa dacaayada iyo hajabaad isugu daray wariyaha waxaana uu weydiyay Su’aal layaab leh oo aheyd Mareexaan Miyaa tahay Mise Habar gidir.

Codka Sirta ah ee laga duubay Masuulkan Afhayeenka Maamulka Jubbaland ah ayaa dhaawici kara Sumcadiisa inkastoo ay jiraan Masuuliyin isaga ka horeeyay oo sidaan oo kale looga duubay Codad Sir ah oo ay wariyaal la dilay & kuwo weli shaqeeya loogu handaday.

HALKAAN KA DHAGEYSO CODKA SIRTA